Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tiyaatar  Gole leh gaab wax lagu jilo iyo fadhi daawadayaal.
tiyin  Xayr hargaha la mariyo oo lagu jilciyo.
toban  Tirada u dhexeysa sagaal iyo koob iyo toban; “10”. ld toman.
tobanaad  Tirada jagaale, keeda u dhigma tobanka. ld tobnaad.
tobaneeye  Tiro qiyaasteedu toban ku dhowdahay. ld tobaneeyo.
tobaneeyo  ld tobaneeye.
tobanle  Warqad turub oo ay ku sawiranyihiin toban calaamadood.
tobbog  1. Geedaha mid ka mid ah 2. Qof dheer oo jirkiisu isku tigtigan.
tobbogsan  Qof dheer oo jirkiisu isku tigtiganyahay ahaansho.
tobbogsanaan  eeg tobbogsan. ld tobbogsanaansho.
tobbogsanaansho  ld tobbogsanaan.
tobnaad  ld tobanaad.
tobograafiyad  ld tobograafiyo¹.
tobograafiyo1  1. Qoraal faaahfaafsan iyo muuqaallo muujinaya dhismaha iyo samayska dhul gaar ah. 2. Cilmiga lagu barto qaab dhismeedka dhulka. ld tobograafiyad. tobograafiyo2  (juqr.) Qeexid faah-faahsan ama bandhig muuqaallobe-deed, dabiici iyo sanaaci, labadaba ee meeleed, sidaasoo kale ayaa laga rabaa khariidad, toobograafiyeed. toddob  Roobka ugu horreya uu gu'ga da'a.
toddoba  Tirada lixda iyo siddeedda u dhexeysa; “7”. ld toddobo.
toddobaad  1. (t.j) Tirada jagaale, keeda u dhigma toddobada. 2. Toddoba beri oo isku xigta.
toddobaadle  Joornaal, wargeys iwm oo toddobadii beri mar soo baxa.
toddobaale  Warqad turub oo ay ku sawiranyihiin toddoba calaamadood.
toddobaatamaad  ld toddobaata-naad.
toddobaatameeye  Tiro toddobaatan ku dhow. ld toddobaatameeyo.
toddobaatameeyo  ld toddobaa-tameeye.
toddobaatan  Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; “70”.
toddobaatanaad  1. Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma toddobaatan. 2. Sannada-ha u dhexeeya toddobaatanka iyo siddee-tanka. ld toddobaatamaad.
toddobabax1  Xaflad laba qof oo is aroosay toddoba beri kaddib loo sameeyo. toddobabax2  Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska ka bixid. toddobabixi  Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska u shaqayn.
toddobabixid  eeg toddobabax².
toddobabixin  eeg toddobabixi. ld toddobabixis.
page : 1444 of 1584
<< < 1439 1440 1441 1442 1443 1444 1445 1446 1447 1448 1449 > >>

 

Exit mobile version