tuf-xubno-holac (daaw.) Nooc xubnoholac, kan labaad ee ugu badan cudurrada tufta waxa ka horreeya lafoxubnoholac (osteo artritis) waxay gaar ahaan saameysa xubnaha faraha, xubin isgoyska gacanta iyo dhudhunka, lugaha, canqowyada, miskaha iyo garbaha: xubnoisgoysyada si siman ayaa labada dhinacba cudurku ugu dhacaa waana kala silloonyihiin.
tufaax Geed dhalo miro aad u macaan oo midadbkiisu guduudyahay ama cagaar iyo cillaan isku darsan.
tufan Wax la hibeeyey ahaansho.
tufid eeg tuf³.
tufnaan eeg tufan. ld tufnaansho.
tufnaansho ld tufnaan.
tugaar Shillin.
tugumbee Cid tugumbo la dhicid.
tugumbeyn eeg tugumbee.
tugumbo Faraha gacanta oo hoos isku duuban oo wax loogu dhufto; tantoonyo.
tuhman Wax la tuhmay ahaansho.
tuhmanaan eeg tuhman. ld tuhmanaansho.
tuhmanaansho ld tuhmanaan.
tuhmee ld tuhun².
tuhmeyn ld tuhmid.
tuhmeysii Cid tuhun ku abuurid.
tuhmeysiin eeg tuhmeysii.
tuhmid eeg tuhun². ld tuhmeyn.
tuhun1 Shaki; male; bidaal; dareen. tuhun2 Ku t.: fal inuu dhacay malayn. tuhunsan Cid wax tuhun ku jiro ahaansho.
tuhunsanaan eeg tuhunsan. ld tuhunsanaansho.
tuhunsanaansho ld tuhunsanaan.
tuhunsii Cid tuhun ku abuurid.
tuhunsiin eeg tuhunsii.
tuji 1. (dii.) Dad dukanaya imaan u noqosho. 2. ld tu'i. ld duji, tuki.
tujin 1. ld dujin, dujis, tukin. eeg tuji. 2. ld tu'in.
tujis ld tujin.
tukad ld tukasho.
tukadhaamis Qaajer.
page : 1452 of 1584
<< < 1447 1448 1449 1450 1451 1452 1453 1454 1455 1456 1457 > >>