unkad ld unkasho.
unkamid eeg unkan¹.
unkan1 Wax la unkay noqosho. unkan2 Wax la unka ahaansho. unkanaan eeg unkan². ld unkanaansho.
unkanaansho ld unkanaan.
unkasho eeg unko. ld unkad.
unkid eeg unug².
unko Weel toliddiisa ama caw, harrar iwm falkintooda billaabid.
unkod ld onkod¹.
unsar Wasakh yar oo ku jirta weel hoore ku jira salkiisa. ld usar.
untiye ld yibir.
unug1 Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya. unug2 (baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA. unug3 Unug samayn. unug-dareen-dhaqaaq (c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.
unug-dareen-wade (c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
unug-gudeed (c.nafl.) Unugyada inta u dhaxaysa.
unug-maskaxeedka dhaqaaqa (c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.
unug-waalid (c.nafl.) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.
unugga cad ee dhiigga eeg liyuukoosayt.
unugga Daaniyal (fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.
unugyada dhiigga ee cas cas eeg iritaroosayt.
unugyo badane Noole ka kooban unugyo badan.
ununush Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.
unuun 1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.
unuungoo Nafley madaxa ka jarid.
unuungoyn eeg unuungoo.
unuunuf1 Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. ld anaanuf¹. unuunuf2 Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. ld anaanuf².
page : 1467 of 1584
<< < 1462 1463 1464 1465 1466 1467 1468 1469 1470 1471 1472 > >>