Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: birimbirqo
uugaami Geel in uu uugaan sameeyo ku kallifid.
uugaamid eeg uugaan².
uugaamin eeg uugaami. ld uugaamis.
uugaamis ld uugaamin.
uugaamo ld uugaan.
uugaan (1) 1. (m.l.u) Daruuro cokan. 2. Yabaq, buuq. ld uugaamo.
uugaan (2) 1. Daruuro cukan cir ku dedmid. 2. Yabqid; buuqid.
uugaw (1) Uugaan.
uugaw (2) Uugaan samayn (geel).
uugo Dhawaaq wiilka geela jiraa sameeyo markuu rabo inuu isu ururiyo. ld uujo.
uuji Uugaan ka keenid (geel).
uujin eeg uuji. ld uujis.
uujis ld uujin, uugaw¹.
uujo ld uugo.
uulayn eeg uulee.
uulee Qaylo dheer samayn.
uuley Yeey, uubato.
uuman (1) 1. Jin, rooxaan. 2. ld uun¹.
uuman (2) (uunmay, uumantay; uunmi) Wax la abuuray noqosho.
uuman (3) (uunnaa, uunnayd) Wax la abuuray ahaansho.
uumasho eeg uumo.
uumi (1) 1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad.
uumi (2) Wax dab ku diirin.
uumi saarid (bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.
uumibax (1) 1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.
uumibax (2) Hoore la kululeeyey qiiq bixid.
uumibixid eeg uumibax².
uumibiyood Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.
uumid eeg uun².
uumihoorow (fiis.) Isbeddelka uumi ama neef ay ku noqoto hoor. Weji-gaddoonkaasi waxa wehesha kul baxa.
<< < 1466 1467 1468 1469 1470 1471 1472 1473 1474 1475 1476 > >>

 

Exit mobile version