xeerka kala-dhigga (xis.) Xiriir gaar ahaaneed ee ka dhexeeya laba xisaabfal. Tusaale ahaan, kutirsaneyaasha ururka {a, b, c, d, ...}. Waxa jiri kara laba xisaabfal sida * iyo 0 oo xisaabfalka * uu ku kala dhigmo 0, marka a * (b o c) = (a * B) o (a * c). b) 2 X (3+6)= (2x3) + (2x6) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee aritmatiga (ama aljebra). t) A (B U C) = (A B) U (A C) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee ururrada.
xeerka kala-hormarinta (xis.) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.
xeerka kosayn (xis.) Saddex-xagal kasta, haddii a, b iyo c iyo yihiin dhererrada dhinacyada iyo + ay tahay xagasha ka horjeedda dhinaca dhererkiisu yahay c, markaa c2=a2+b2-2abcos+.
xeerka Kuulam (fiis.) Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.
xeerka Lenis (fiis.) Xeer odhanaaya in jihada keyd faraqa saaqmay uu lid ku yahay isbeddelka abuuraya.
xeerka noqodka 1. (fiis.) Fallaadh abbaarka, fallaadh noqodka iyo liganuhuba waa isku sallax. 2. (fiis.) Xagal abbaarka (i) = xagal noqodka (r) wuxuna sax ku yahay noqodka ka dhaca dulaha muraayadaha obtikaad ee sallaxa ah iyo kuwa xoodanba.
xeerka qalloocsanka 1. (fiis.) Xagal abbaarka, xagal qalloocsanka iyo liganuhuba waa isku sallak. 2. (fiis.) Saamiga sayni iyo sayn r waa madoorsoome marka ay u gaar yihiin labada dhextaal ee tebinaya. Taas oo i = xagal abbaarka, r = xagal qalloocsanka.
xeerka sayn (xis.) Saddex-xagal kasta saamiga dhererka dhinaca marka loo eego saynka xagasha ka horjeedda dhinacaasi waa isku mid dhammaan saddexda dhinac. Sidaa daraadeed saddex-xagal dhinacyadiisu ay yihiin a, biyo c, xaglihiisuna ay yihiin A, B iyo C. Jidka waa a = b = c taas oo ay tahay dhinaca kahorjeeda xagasha A, b-tahay dhinaca kahorjeeda xagasha B iyo c-na tahay dhinaca ka horjeeda xagasha C.
xeernaan eeg xeeran. ld xeernaansho.
xeernaansho ld xeernaan.
xeero1 Weel godan oo qori ka samaysan oo cuntada lagu rito. xeero2 (muus.) Qaybta kordhisa codka shareerada oo ka samaysan xeero qori ah oo harag ari ku daboolan. xeeryan ld heeryaysan.
xeeryanaan ld heeryaysnaan.
xeeryanaansho ld heeryaysnaan.
xeeryaqaan Qof sharci ku takhasusay ama aad u yaqaan.
xeeryid eeg xeeri².
xer 1. Dad koox ah oo sheekh raacsan ama wax ka barta. 2. X. ah: nin u go'ay barashada diinta oo hadba meel u aada kutub raacasho.
xerageddi Xoolo xeradii ku firshowday, xero kale u beddelid.
xerageddin eeg xerageddi. ld xera-geddis.
xerageddis ld xeragaddin.
xerageddisad ld xeraged-disasho.
xerageddisasho eeg xerageddiso. ld xeragaddisad.
xerageddiso Guri u dhow u guurid (cid).
xerageli 1. Soo x.: wax kasbid. 2. Wax tacbid.
xeragelin eeg xerageli.
xeraguul Xero xooluhu baryaan marka ay aroorka yihiin.
xerayn eeg xeree.
xeraysad ld xeraysasho.
xeraysan Wax la xe-reeyey ahaansho.
page : 1548 of 1584
<< < 1543 1544 1545 1546 1547 1548 1549 1550 1551 1552 1553 > >>