Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dhuux1  1. Sooh baruurta u eg oo xididdo yaryari ku safanyihiin oo lafaha dheerdheer ku dhex jira oogada nafley. 2. Lafta geedaha walax yar oo jilicsan oo ku dhex jira. 3. Togga calooshiisa biyuhu maraan. dhuux2  (c.nafl.) Nudo jilicsan oo ku yaallo moqorka dhexe iyo meelaha bannaan ee gudaha lafta. Markay dhashaan iyo markay yaryihiin xayawaanku dhuuxa lafahooda oo dhami waxa uu sameeyaa unugyada dhiigga. dhuux3  1. Laf, dhuux kala bixid. 2. Hadal ama arrin aad u fahmid. dhuux-geed  (baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaa- nayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, hab- dhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin 0 dh.g Shaqada dh.g.ku waa kaydinta cuntada.
dhuux-lafo-holac  (daaw.) Halaama- coodka dhuuxa iyo lafaha oo uu keeno caabuq. Waa khatar la socota markii lafi jabto, waa in si aad ah looga taxadaraa mar walba oo dhuuxa la gaaro xilliga qallinka lafaha iyo xubno-isgoysyada. Waxa kale oo keeni kara jeermi dhiigga la socda.
dhuuxdheere  Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.
dhuuxid  eeg dhuux³.
dhuuxyayn  eeg dhuuxyee.
dhuuxyee  Neef geel ah si aad ah u qabbirid.
dhuwan  Miro ka baxa shillanka iyo kediga oo la cuno.
dhuxdhuxlayn  eeg dhuxdhuxlee. ld dhudhuhlayn.
dhuxdhuxle  Qof warsheegid badan oo dadka isku dira. ld dhuhdhuhle.
dhuxdhuxlee  Dirdira sameyn. ld dhudhuhlee.
dhuxul  1.Wax madow oo la shito oo laga sameeyo qoryo la gubay. 2. Wax madow oo la shito oo dhulka laga qodo oo ka samaysan dhir malaayiin sano ka hor aasantay oo baariga dhulka iyo kulayl badani isugu darmeen.
dhuxulayn  eeg dhuxulee.
dhuxuldhagaxeed  Dhuxul dhagax noqday. ld dhuxuldhuleed.
dhuxuldhuleed  ld dhuxuldhagaxeed.
dhuxulee  1. Dab dhuxul u yeelid. 2. Qoryo dhuxul ka dhigid.
dhuxulkurreeb  1. Jirac qaniinyo kulul. 2. Jaad dibaqallooca ka mid ah oo yar oo qaniinyo kulul.
dhuxun1  Dhagax gaar ah oo badanaa guduudan oo xanaf leh oo mindiyaha iwm lagu afeeyo; lisin. dhuxun2  1. Biyo ceel ama wax kale oo leh dhadhan xaraar. 2. Dhul dibir iyo dhano ah. dhuyac  (bot.) Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamo-laamo u baxa. ld dhuyuc.
dhuyuc  ld dhuyac.
di'i  Roob keenid (Ilaah).
di'id  eeg da'. ld di'is, di'itaan.
di'in  eeg di'i.
di'is  ld di'id.
di'itaan  ld di'id.
dib1  Dhabarka xoolaha qaarkiisa danbe (hilib). ld dub¹. dib2  1. Gadaal. 2. Ka 0 d./kadd.: xagga dambe ka xiga.
page : 166 of 218
<< < 161 162 163 164 165 166 167 168 169 170 171 > >>

 

Exit mobile version