Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
did  Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iwm). ld dud².
diddimi  Hoore yar, si aayar ah u shubid. ld dindimi.
diddimid  eeg diddin². ld dindimid, dundumid.
diddimin  eeg diddimi. ld diddimis, dindimin, dindimis.
diddimis  ld diddimin.
diddin1  In yar oo hoore ah. ld dindin¹. diddin2  In yar oo hoore ah si ayaar ah u daadasho. ld dindin². diddinsad  ld diddinsasho.
diddinsasho  eeg diddinso. ld diddinsad, diddinsi, dindinsad, dindinsasho.
diddinsi  ld diddinsasho.
diddinso  Hoore yar meel ka shubasho. ld dindinso.
didi  Didmo geyeysiin (xoolo, ugaar iwm.). ld dudi.
didib1  1. Dhul dibir ah. 2. Ciid budo cad ah ama dhagax xaraarta ka samaysmay. didib2  (kiim.) Dhagax badanaaba ku jira macdanta kaarboneyt, gaar ahaanna kaarbooneytyada kaalsiyam iyo magniisiyam. didid  eeg did. ld dudid.
didin  eeg didi. ld dudin.
didmo  Yaacidda xoolo, ugaar iwm. baqdin awgeed la yaacaan. ld dudmo.
didsan  Wax dhiillaysan ahaansho (xoolo, ugaar iwm). ld dudsan.
didsanaan  eeg didsan. ld didsanaansho, dudsanaan, dudsanaansho.
didsanaansho  ld didsanaan.
didsasho  eeg didso. ld dudsasho.
didso  Xoolo iyadoo la didinayo kaxaysasho. ld dudso.
difaac1  ld daaficid. difaac2  ld daafac². difaacid  ld daaficid.
difji  Dareere wax yar ka dhibcin.
difjin  eeg difji. ld difqin.
difqi  ld difji.
difqin  ld difjin.
dig1  1. Rubad. 2. Naf. 3. Garaaca wadnaha ee halbowlayaasha laga garto. 4. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaq.
page : 171 of 218
<< < 166 167 168 169 170 171 172 173 174 175 176 > >>

 

Exit mobile version