dirir2 Cid la dagaallamid. dirircawleed Dirirsagaaro. ld dirir (2).
dirirday Urur xiddiga ah oo naafuhu ku jiraan oo u dhexeeya koxdinta iyo dirirka.
diriri Habeenka uu didirka la fariisto (dayax).
diririd eeg dirir².
diririn eeg diriri.
dirirsagaaro Bartamaha guga. ld dirir (2).
dirirsan La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho.
dirirsanaan eeg dirirsan. ld dirirsanaansho.
dirirsanaansho ld dirirsanaan.
dirirsii Cid dagaal gelin ama ku boorrin.
dirirsiin eeg dirirsii.
diris ld dirid.
dirnaan eeg diran. ld dirnaansho.
dirnaansho ld dirnaan.
diro ld dire.
dirqi1 1. Khasab. 2. (fk) Si dhib leh. dirqi2 Cid khasbid. dirqin eeg dirqi². ld dirqis.
dirqis ld dirqin.
dirri 1. Ban diiran oo aan cidi ku nooleyn. 2. Digdigo.
dirrow Baaba; kharrib; laystaan.
dirsasho eeg dirso.
dirso 1. Wax adeegsasho. Tus. “Telefoon baan dirsaday”. 2. Wax dalbasho. Tus. “Cumar baa shaah dalbaday”.
dirxi ld dixiri.
diryaamid ld dayaamid.
diryaan1 ld dayaan¹. diryaan2 ld dayaan². disembar Bisha 12aad ee sanadka Masiixiga. ld diisembar.
dishibiliin Asluub; maaddo.
page : 185 of 218
<< < 180 181 182 183 184 185 186 187 188 189 190 > >>