dulman Wax dulmi lagu sameeyey ahaansho. ld dulmisan.
dulmanaan eeg dulman. ld dulmanaansho, dulmisanaan, dulmi- sanaansho.
dulmanaansho ld dulmanaan.
dulmar1 Hadal si kooban loo sheego. dulmar2 1. (f.g) Wax dardarid. 2. (f.mg) Hadal si kooban u sheegid. dulmarid eeg dulmar².
dulmeeran (xis.) Shaxan joometiriyeed oo ku dul meeran ama wareegsan kuna oodan shaxan joometiriyeed ee kale. Tusaale ahaan: goobo ayaa lagu dul sawiri karaa geesaha labajibbaarane, markaa goobadu waa shaxan dulmeeran ah labajibbaaranuhuna waa dhexmeeran (eeg dhexmeeran).
dulmi1 Fal sameyntiisu cid xadgudub ku tahay. ld dulan¹, dulin (2), dulun¹. dulmi2 Cid dulun ku sameyn. ld dulan², dulin², dulun². dulmici Duudseef.
dulmid ld dulmiyid.
dulmidiid D. ah: qof aan dadka dulmin gardarradana oggolayn. ld dulmifiir.
dulmifiir ld dulmidiid.
dulmiley Qof dumar ah oo dulmi samaysa.
dulmilow Nin dulmi sameeya.
dulmin ld dulmiyid.
dulmisan ld dulman.
dulmisanaan ld dulmanaan.
dulmisanaansho ld dulmanaan.
dulmiyid eeg dulmi². ld dulmid, dulmin.
dulnool Ku d.: qof ka faa'iidaysasho; qof dhiigmiirasho.
dulnoolaan eeg dulnool. ld dulnoolaansho.
dulnoolaansho ld dulnoolaan.
dulqaad Dhabta oo loo adkaysto; sabir.
dulqaadad ld dulqaadasho.
dulqaadasho eeg dulqaado. ld dulqaadad.
dulqaado U d.: sabir yeelasho.
dulqami Ka d.: cid in ay hadal badan oo aan laga fiirsan tiraahdo ku khasbid.
dulqamid ld dalqamid.
dulqamin eeg dulqami.
page : 204 of 218
<< < 199 200 201 202 203 204 205 206 207 208 209 > >>