galaabbixid eeg galaabbax². ld galaabbixis, galoobbid.
galaabbixis ld galaabbixid.
galaaciif Nooc kalluunka badda ka mid ah oo habeenkii ifa.
galaafasho eeg galaafo.
galaafo Cid waxyeelladeeda sabab u noqosho.
galaal (1) 1. Diillin cad oo madaxa idaha bartanka kaga tal. 2. Dambas, nuurad iwm oo qof la fooray wejiga laga mariyo.
galaal (2) Qof laga badiyey turub wajiga dambas, nuurad iwm ka marin.
galaalan Wax galaali ku taal ahaansho.
galaalasho eeg galaalo.
galaalgali Wax dildilleyn. ld galgali.
galaalgalin eeg galaalgali. ld galgalin, galgalis.
galaalid eeg galaal².
galaalnaan eeg galaalan. ld galaalnaansho.
galaalnaansho ld galaalnaan.
galaalo (1) Neef ido ah oo madaxa madow oo foolka calaamad cad ku leh.
galaalo (2) Cid galaal marsasho.
galaami Ubad xoolaad oo habartood la maalayo, si uu u nuugo hadba dhan ka soo gelid.
galaamid eeg galaan². ld galaamis².
galaamin eeg galaami. ld galaamis¹.
galaamis (1) ld galaamin.
galaamis (2) ld galaamid.
galaammurux ld garaammurux.
galaan (1) 1. Xarig awrka lagu keeneeyo. 2. Weel yar oo biyaha lagu darsado. 3. Weel dheg leh oo afar litir qaada. 4. Saab digaagga lagu qaado marka la guuraayo.
galaan (2) Si gaar ah timo u tidcid.
galaangalad ld galgalasho.
galaangalasho ld galgalasho.
galaangali Wax dildilleyn. ld galgali.
galaangalin eeg galaangali. ld galaangalis, galgalin, galgalis.
galaangalis ld galaangalin.
galaangalo ld galgalo.
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>