Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
kallif2  Wax fulintoodu ay dhib tahay cid ku khasbid. kallifid  eeg kallif².
kallihid  ld kallahid.
kalloorad  Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iwm lagu shubto; jeeg. ld gadhoorad, kadhoorad.
kalluumaysad  ld kalluumaysasho.
kalluumaysasho  eeg kalluumayso. ld kalluumaysad, kalluumaysi.
kalluumaysato  Dad noloshoodu ku xiran tahay kalluumeysiga; kalluunsato.
kalluumaysi  ld kallumaysasho.
kalluumayso  Kalluun dabasho.
kalluun  (c.nafl.) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.
kalmoon  Miro yicibeed oo dhilan.
kalnugeyl  1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.
kalnuglaan  eeg kalnugul. ld kalnuglaansho.
kalnuglaansho  ld kalnuglaan.
kalnugul  1. Wax niyad debecsan oo raxmad badan ahaansho. 2. Wax cabsi badan ahaansho (qof). 3. Wax adkaysi yar ahaansho (qof).
kaloox  Bocool.
kalsaar  Haan weyn oo marka la rarayo horay la marinayo; horaad.
kalsamaan  eeg kalsan. ld kalsamaansho, kalsami.
kalsamaansho  ld kalsamaan.
kalsami  Daacadnimo iyo uurfayoobi wax loo hayo. ld kalsamaan.
kalsan  Wax laabtiisu deggan tahay oo aan shiddo ku jirin ahaansho.
kalshiyam-side  (jool.) K. ah: wax uu ku jiro saami weyn oo kaalshiyam kaarboonayt ah; badanaa, waxaa lagu istcmalaa dhadhaabaha iyo ciidda.
kalsoon  Ku k.: aan dareen ka qabin ama aaminsan ahaansho.
kalsoonaan  eeg kalsoon. ld kalsoonaansho, kalsooni.
kalsoonaansho  ld kalsoonaan.
kalsooni  ld kalsoonaan.
kalsoonidarro  Aan aamin lagu qabin.
kaltamid  eeg kaltan².
kaltan1  Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan. kaltan2  Hawl iwm. qabashadeeda miilaysasho.
page : 22 of 73
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>

 

Exit mobile version