Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
faquuqnaan  eeg faquuqan. ld faquuqnaansho.
faquuqnaansho  ld faquuqnaan.
far1  1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo. far2  1. Meel, jir iwm qalab caarad dhuuban ku qodid. 2. Cid farriin u dhiibid. 3. Cid amar siin. faraaci1  Habeenka dayaxu xiddigta faraacida la fadhiyo. faraaci2  Xiddigaha raqaha midkood. faraajiin  eeg fujaan.
Faraanti  Fargashi. ld Fargal.
faraar  ld farraar.
faraasilad  Shay wax lagu miisaamo oo culayskiisu u dhigmo 16 kiilo ama 28 rodol. ld faraasilo.
faraasilo  ld faraasilad.
faraati  1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).
faraatikeen  Keenidda ilmasidka geelu foodda soo muujiyo.
farabbadan1  ld farammaggooggo. farabbadan2  Wax badan ahaansho. farabbadi  ld farabbadnaan.
farabbadnaan  eeg farabbadan. ld farabbadi, farabbadnaansho, farabbadni.
farabbadnaansho  ld farabbadnaan.
farabbadni  Badnaanta wax tiradoodu badantahay. ld farabbadnaan.
farabbar1  1. Carbin, agabar. 2. ld farabbarid. farabbar2  Neef ugub oo curtay maalis oggolaysiin. farabbarad  1. Qof wax dhigasho bilaabay. 2. Qof farshaxannimo bilaabay.
farabbaran  Wax la farabaray ahaansho.
farabbarasho  eeg farabaro. ld farabarad.
farabbarid  eeg farabbar². ld farabbar¹ (2).
farabbaro  Neef curtay agabarasho.
farabbax1  F. ah: qof asluub xun, madax adag oo laga quustay. ld farakabbax, farakalabbax (1). farabbax2  Qof wax laga quustay oo aan la saxi karin noqosho. farabbaxsad  ld farabbaxsasho.
farabbaxsasho  eeg farabbaxso. ld farabbaxsad, farabbaxsi.
page : 23 of 73
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version