Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: biqil
le'o Dad, xoolo, ugaar iwm aad u dhimasho.
lebbed Nooc siyaaqadda dumarku isku qurxiyo ka mid ah oo dahab ka samaysan.
lebbis (1) ld labbis¹.
lebbis (2) ld labbis².
lebbisad ld labbisasho.
lebbisan ld labbisan.
lebbisasho ld labbisasho.
lebbisid ld labbisid.
lebbisnaan ld labbisnaan.
lebbisnaansho ld labbisnaan.
lebbiso ld labbiso.
leben 1. Dhoobo si gaar ah loo dubo oo qaabab badan loo yeelyeelo oo sida dhagaxa wax lagu dhiso. 2. Caano.
leber (1) 1. Waxar markaas habarteed ka gurtay. 2. Cabbir wax lagu cabbiro oo u dhigma rubuc jawaan.
leber (2) 1. Wax lix iyo toban (16) meelood loo qaybiyey meeshood. 2. Sinta dadka ee ilmaha la saaro.
lebernimo Leber ahaansho (waxar).
lebi (bot.) Geed dhirta waaweyn ka mid ah oo aan qodax lahayn, ubax qurxoon dhala, oo laga qoro kooraha iyo mooyaha.
led ld lad.
ledid ld ladid.
leeb (1) Ul yar oo dhuuban oo afka bir fiiqani kaga jirto oo qaansada laga gano; gamuun.
leeb (2) (xis.) Teed kasta oo tiro ah lehna hal dhinac u tax ama hal joog u tax.
leebraac Wax niyadda ka jeclaysasho.
leeddafuul (1) Fuulidda la fuulo faras aan koore lahayn. ld leeddafuulid.
leeddafuul (2) Faras aan koore saarnayn fuulid.
leeddafuulid eeg leeddafuul². ld leeddafuul¹, leeddo (2).
leeddo 1. Faras la fuushanyahay oo aan koore saarnayn. 2. ld leeddafuulid.
leef Si tartiib ah carrabka wax u marin.
leefi ld leefsii.
leefid eeg leef.
leefin eeg leefi.
leefsii Cid in ay carrabka wax mariso gayeysiin. ld leefi.
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>

 

Exit mobile version