cirrayso Cirro yeelasho.
cirree Wax ama qof cirroole ka dhigid.
cirrid (1) Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.
cirrid (2) (c.nafl.) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.
cirrid (3) ld cirid.
cirridbaar War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin.
cirridbaarid eeg cirridbaar.
cirro Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
cirroobid eeg cirrow.
cirroole Qof gaboobay.
cirrow Cirrow yeelasho.
cirsankayeer ld cirkayeer.
cirsoodhac (c.fal.) Cuf weyn oo dhadhaab ama macdan ah, kaas oo la mid ah shuhubka; cufkaas isaga oo weyn awgeed uguma burburo gibilka dhexdiisa boor ahaan, laakiin wuxuu soo gaaraa dhulka dushiisa. ld cirkasoodhac.
cirtaali ld cirtaallee.
cirtaalin ld cirtaallayn.
cirtaallayn eeg cirtaallee. ld cirtaalin.
cirtaallee Wax, kor u gamid. ld cirtaali.
cirtaallo Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo.
cirujeed Miro yicibeed oo markaa soo dhashay.
cirwareen Cirboor; qode.
cirweyn Wax cirweyni ku sifoobay ahaansho.
cirweynaan eeg cirweyn. ld cirweynaansho, cirweyni.
cirweynaansho ld cirweynaan.
cirweyni Awoodda nafley u leedahay in ay raashiin wax badan ka cunto. ld cirweynaan.
ciryar Wax aan xaddi badan cunto ka qaadan ahaansho.
ciryaraan eeg ciryar. ld ciryaraansho, ciryari.
ciryaraansho ld ciryaraan.
ciryari Awood la'aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto. ld ciryaran.
cis ld ciso.
cisaabad Col.
<< < 255 256 257 258 259 260 261 262 263 264 265 > >>