Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gurxan
leexo (2) Jid lagu socday ka weecasho.
leexsan Wax dhinac u weecsan ahaansho.
leexsanaan eeg leexsan. ld leexsanaansho.
leexsanaansho ld leexsanaan.
leexsasho eeg leexso.
leexso Wax dhinac u weecsasho. Tus. “Biyaha beerta u leexso”.
leextukaalee Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
leextukaaleyn eeg leextukaalee.
leextukaaleysasho eeg leextukaaleyso. ld leextukaaleysi.
leextukaaleysi ld leextukaaleysasho.
leextukaaleyso Arrin laga hadlayo wax yar ka sheegid. ld lextukaalee.
leg Saraarka iyo hilibka saaran.
legdamid eeg legdan².
legdan (1) Ciyaar laba qof isaga horyimaadaan oo ay si gaar ah isu qabsadaan, oo mid walba ku dadaalayo in uu kan kale dhulka dhigo.
legdan (2) Legdan samayn.
legdan (3) Wax la legdey ahaansho.
legdanaan eeg legdan³. ld legdanaansho.
legdanaansho ld legdanaan.
legdid eeg leged². ld leged¹.
legdin 1. Dhul dhigidda qof legdamaya dhulka la dhigo. 2. ld legdan¹.
leged (1) ld legid.
leged (2) Qof legdamaya dhul ku dhufasho.
legriix Cayil ka bata lo'da oo xubnaha badankood shaqada ciriiri ka geliya.
leh (lahaa, lahayd) 1. Wax qabid. 2. Hadal dhihid. 3. Is l.: wax malayn. Tus.: “Waxaan is leeyahay berri halkan imow”.
lehel Bartilmaameed la isla ogyahay.
leked Qof rabsho badan oo madax adag.
leleg Timaha ka baxa laabta ragga.
lexejeclo Kalgacal maal loo qabo.
lextukaalee ld leextukaaleyso.
leyleysad ld leyleysasho.
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>

 

Exit mobile version