Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
samaysanka dhiska jidhka  (baay.) Horumar ku yimaadda koritaanka ama saamiyeynta qaabka iyo dhismaha noolaha.
samaysasho  eeg samayso. ld samaysad.
samaysmid  eeg samaysan¹.
samaysnaan  eeg samaysan². ld samays-naansho.
samaysnaansho  ld samaysnaan.
samayso  Wax hagaagsasho.
sambab1  1. (-bbo, m.dh) Xubinta jirka ka mid ah oo neefta gesho kana soo baxdo. 2. Cudur xun oo sambabada ku dhaca (xoolaha). ld sanbab. sambab2  (c.nafl.) Xubimta neefsashada ee lafdhabarleyda hawada ku neefsata. Lammaane sambab ah ayey ku leeyihiin saabka qafiska feedhaha dhexdooda. Mid kasta waxa uu ka kooban-yahay xuub yar oo qoyan kaas oo u laa-laaban si uu u kordhiyo bedka dusha. sambab-gale  (c.nafl.) Farac hunguri.
sambac  S. ah: qof caqli yar oo garashadiisu liidato, nacas, doqon. ld sabbac.
sambacaraar  Sanka intiisa hore oo jilicsan. ld sambacaroor.
sambacaroor  ld sambacaraar.
sambal  Qayb yar oo badeeco ka mid ah oo cid wax gadanaysa la tuso.
sambanneeye  Geed-nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo aan qodax lahayn oo sanboorka iyo cudurro badan lagu daaweeyo.
samboor1  Cudur sanka dadka ku dhaca oo hindhiso badan, san cuncun iyo dhibaa-tooyin kaleba keena. samboor2  (daaw.) Kahsi ka yimaada budada ubaxa geedaha oo keena halaamacoodka sanka dhexdiisa iyo mararka qaarkood indhaha. Astaan: hindhiso badan. samboor3  Samboor qaadid. samboorid  eeg samboor³.
sambuuq1  Doonta yar. sambuuq2  ld sambuuqo. sambuuqo  Sanka xoolaha intiisa hore oo jilicsan. ld sambuuq².
sambuus  ld sambuusi.
sambuuse  ld sambuusi.
sambuusi  1. Bur saddex gees leh oo hilib shiidan iyo qudaar basbaas leh gudaha uga jiraan oo lagu shiilo. 2. Guri saqafkiisu weji waliba saddex-gees u egyahay. ld sambuus, sambuuse.
samcan  Nafley karti, awood, qurux iwm oo kuwa kale kaga duwanyahay leh ahaansho.
samcanaan  eeg samcan. ld samcanaansho.
samcanaansho  ld samcanaan.
samee  1. Wax hagaajin. 2. Fal ku kicid.
sameelo  Meel geedo badan oo isku baxay leh oo inta roob ku da'ay aan weli la daaqin.
samhariira  Naar ka mid ah toddobada naarood. ld saciira.
page : 27 of 118
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>

 

Exit mobile version