Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gurguurto
majiirasho  eeg majiiro. ld majiirad.
majiire-dayaxeed durugsan  (c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere (gaar ahaan dayaxa) marka loo eego dhulka.
majiire-qorraxeed durugsan  (c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere marka loo eego qorraxda. Marka uu dhulka ugu fogyahay wuxuu qorraxda u jiraa 94.5 milyan oo mayl.
majiirid  eeg majiir³. ld majiir¹.
majiiro  Calool xanuun dartii la rogrogmasho. Tus. “Caloosha baa i majiiranaysa”.
majiirsii  Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marsiin.
majiirsiin  eeg majiirsii.
majimow  ld majin¹.
majin1  Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. ld majinow, majimow. majin2  1. Xubin ka mid ah addimada xoolaha oo u dhexeysa jilibka iyo qoobka. 2. Xirmooyin yaryar oo loo qeybshay marduuf qaad ah middood. 3. Xiddig naafaha ka mid ah oo u dhexeysa afqaysta iyo koxdinta. ld mijin. majinow  ld majin¹.
majlis  1. Meel fadhi wanaagsan leh oo la iskugu yimaado. 2. Shir wax lagu go'aaniyo.
majnuun  Qof waalan.
majoqaris  Biyo aan qof liqi karin.
majuuji  Maro qoyan, liin iwm xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro.
majuujin  eeg majuuji. ld majuujis, majuujo.
majuujis  ld majuujin.
majuujisasho  eeg majuujiso.
majuujiso  Maro iwm oo qoyan maroojin si biyaha looga saaro.
majuujo  ld majuujin.
majuusi  (dii.) Dadka dabka caabuda.
makaab1  Qoryo ama tiirar afka laga saaro ceelasha, si ay u sahlanaato shubiddooda; xakab. makaab2  Ceel makaab afka ka saarid. makaaban  Wax makaab afka laga saray ahaansho (ceel).
makaabi  Ceel makaab u yeelid.
makaabid  eeg makaab².
makaabin  eeg makaabi. ld makaabis.
makaabis  ld makaabin.
makaabnaan  eeg makaaban. ld makaabnaansho.
makaabnaansho  ld makaabnaan.
page : 31 of 131
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>

 

Exit mobile version