majuuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Maro qoyan, liin iwm xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh majuuji

camajuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. ld camandhuuji, camanjuuji.

camajuujin [m.f.dh]
eeg camajuuji. ld camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.

camajuujis [m.l]
ld camajuujin.

majiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.

majuujin [m.f.dh]
eeg majuuji. ld majuujis, majuujo.

majuujis [m.l]
ld majuujin.

majuujisasho [m.f.dh]
eeg majuujiso.

majuujiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Maro iwm oo qoyan maroojin si biyaha looga saaro.

majuujo [m.dh]
ld majuujin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg