Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: khawaafad
makaan 1. Hooy; guri. 2. Ilmagaleenka haweenka.
makaanig M. ah: qof yaqaan farsameynta matoorrada.
makaawi Kuul waaweyn oo gadgaduudan oo dumarku ku xarragoon jireen.
makaay-aaramow Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar iyo degaanka Jowhar.
makal (1) Khatar weyn.
makal (2) Nafley waxyeelo weyn gaarsiin.
makalaalax (1) M. ah: Qof hurdo laga kiciyay oo aan weli baraarugin.
makalaalax (2) Qof hurdo ka kicid isagoon weli bogan.
makalaalaxsan Wax makalaalaxay ahaansho (qof).
makalaalaxsanaan eeg makalaalaxsan. ld makalaalaxsanaansho.
makalaalaxsanaansho ld makalaalaxsanaan.
makalaalixid eeg makalaalax².
makalan Wax waxyeelo weyn la gaarsiiyey ahaansho (nafley).
makalid eeg makal².
makalnaan eeg makalan. ld makalnaansho.
makalnaansho ld makalnaan.
makaraan 1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.
makaroofi Qof dhib badan oo dhega-adag.
makas 1. Dadka inta garashadoodu gaabantahay; maangaab; caamo. 2. Ilmo aan weli caqli fiican yeelan. ld makasto.
makasto ld makas.
makeekee Cid wax ka qarin.
makeeko Gogol.
makhaane Suun dun ka samaysan oo fardaha madaxa loogu xiro. ld maqaame.
makhaasiin ld maqaasiin.
makhaayaadle Qof makhaayad leh. ld maqaayadle.
makhaayad Meel cunto karsan lagu iibsado oo leh kuraas iyo miisas cuntada lagu cuno iyo shaqaale cuntada keena. ld makhaayo, maqaayad, maqaayo.
makhaayo ld makhaayad.
makhabbiyad Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhowrsan oo aan loo oggoleen in ay dibadda u soo baxdo. ld makhabbiyo.
makhabbiyo ld makhabbiyad.
makharje M. ah: harar lagu naqshay midabbo kala duwan oo aan kala soocnayn.
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>

 

Exit mobile version