Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: maneysi
baambow  Cantallaa.
baamiye  Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
baan1  Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska. baan2  Cunno nafaqo leh oo lagu dheefiyo qof buka ama dhaawac ah. baan3  Hadal dhaar, faan iyo handadaad isugu jira dhihid. baanasho  eeg baano.
baandhayn  eeg baandhee. ld baandhays (2), baandho.
baandhays  1. Dhar ay askartu kubabka ku duuban jirtay. 2. ld baandhayn.
baandhee  Turub, baandho ku samayn.
baandho  Isku qasidda ranka iyo biigga turubka. ld baandhayn.
baane  1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. ld baanise.
baangad  Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.
baani  Qof buka ama dhaawac ah baan siin.
baanid  eeg baan³. ld baanis.
baanin  eeg baani.
baanis  ld baanid.
baanise  1. ld baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. ld baane.
baaniso  ld baanise (1).
baaniyaal  1. Hindi ganacsade ah. 2. Qof diinta Hinduuga haysta.
baanji1  Baaris aan xasillooni iyo nidaam lahayn. ld baanjiyid. baanji2  Si aan xasilooni iyo nidaam lahayn wax u baarid. baanjiyid  eeg baanji². ld baanji¹.
baankariis  (c.nafl.) Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyo-tobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.
baano  1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho.
baansad  ld baansasho.
baansasho  eeg baanso. ld baansad, baansi.
baansi  ld baansasho.
baansiin  Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
baansiino  ld baansiin.
baanso1  Geed leh laamo dhaadheer oo xubno leh oo sida dhuumihii dhexda ka daloola, waxaana loo isticmaalaa dhismaha, samaynta dambiilaha qaarkood, iwm; qaysaraan.
page : 7 of 108
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>

 

Exit mobile version