cab 1. Hoore si isdabajoog ah u liqid. 2. Sigaar dhuuqid.
cabaad1 1. Dhawaaq dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo. 2. Calaacal, cataw (qof). 3. ld cabaadid. cabaad2 1. Neef geel ah oo la xanujin si uu cabaad u sameeyo. 2. Calaacalid, catawid (qof). cabaad-dheere Afkuxuuble.
cabaadi Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo.
cabaadid eeg cabaad². ld caabad¹ (3).
cabaadin eeg cabaadi.
cabasho eeg cabo².
cabayo 1. C. ah: haan qab ama argeeg ka samaysan oo loo diyariyay in caanaha lagu shubto. 2. Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la kahdo; cabo.
cabbaad ld cabbaar.
cabbaar 1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.
cabbaar1 1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn. cabbaar2 Masaafada rati rarani ku daalo. cabbaar3 Rati raran daalid. cabbaarid eeg cabbaar³.
cabban Wax adkaysi yar leh ahaansho; nuglaansho (qof).
cabbanaan eeg cabban. ld cabbanaansho.
cabbanaansho ld cabbanaan.
cabbane Geed saliiddiisa la isku qaras falo.
cabbayn eeg cabbee.
cabbaysan Wax la cabbeeyey ahaansho.
cabbaysnaan eeg cabbaysan. ld cabbaysnaansho.
cabbaysnaansho ld cabbaysnaan.
cabbee 1. Jawaan, sanduuq iwm suuf, dhar iwm ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.
cabbid eeg cab. ld cabid².
cabbir1 1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iwm. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iwm. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iwm. cabbir2 1. Wax dhererkiisa xisaabid; culayskiisa miisaamid; muggiisa beegid. 2. Fikrad iwm sheegid. cabbir-dhuleed (juqr.) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
cabbiran Wax la cabbiray ahaansho.
cabbire-selsiyas (fiis.) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
page : 11 of 95
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>