duub1 1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah. duub2 Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid. duub3 1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid. duuban1 1. Wax duubmay noqosho. 2. Isku d.: wax midaysan noqosho. duuban2 1. Derin iwm wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho. duubashi Derin weyn oo duuban oo cusub.
duubasho eeg duubo.
duubcad Askaartii soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.
duubduub1 ld duudduubid. duubduub2 ld duudduub². duubduuban1 ld duudduuban¹. duubduuban2 ld duudduuban. duubduubid ld dudduubid.
duubduubmid ld duudduubmid.
duubduubnaan ld duudduubnaan.
duubduubnaansho ld duudduubnaan.
duubi 1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.
duubid1 1. eeg duub². 2. eeg duub³. ld duubis. duubid2 Marka meseggada ama galleyda sabuul ka yeelan rabto. duubis ld duubid¹.
duubmid eeg duuban¹.
duubnaan eeg duuban². ld duub-naansho.
duubnaansho ld duubnaan.
duubo 1. Wax fidsan laalaabasho. 2. Nabar gaarso ku duubasho. 3. Qof boqor ka dhigasho. 4. Duub madaxa ku xirasho. 5. Indho maro ku xirasho. 6. Maro guntasho.
duud 1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.
duud1 1. Dhabar. 2. Meel dhulka ka sarreysa oo labada dhan dooxooyin ama togag ka xigan. duud2 Biyo yar oo weel biyood salkiisa ku jira. ld duuddo. duud3 Buuro xiriira, sanaag. duud-dhadhaabeed (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
duud-garaac1 ld dhabar-garaac¹.
page : 213 of 218
<< < 208 209 210 211 212 213 214 215 216 217 218 >