Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: uugaamin
i1(i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida.
i2Magacuyaal layeele oo tilmaa- maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo.
ib1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.
ibadabooleCudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo.
ibadaboolold ibadaboole.
ibagorayeeHal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga marid.
ibagorayeyneeg ibagorayee.x
ibagorayeysanWax la ibagorayeeyey ahaansho (hal irmaan).
ibagorayeysnaaneeg ibagorayeysan. ld ibagorayeysnaansho.
ibagorayeysnaanshold ibagorayeys-naan.
ibagorayoMaridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
ibagujeeHal irmaan si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.
ibagujeyneeg ibagujee.
ibagujoSalaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.
ibagurayoBararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
ibaguryeeHal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
ibaguryeyneeg ibaguryee.
ibaguryeysanWax la ibaguryeeyey ahaansho (hal).
ibaguryeysnaaneeg ibaguryeysan. ld ibaguryeysnaansho.
ibaguryeysnaanshold ibaguryeysnaan.
ibajiiqoYaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska
ibajitaysanWax ibajito hayso ahaansho (neef geel ah).
ibajitaysnaaneeg ibajitaysan. ld ibajitaysnaansho.
ibajitaysnaanshold ibajitaysnaan.
ibajitoIbadaboole.
ibajitoobideeg ibajitow
ibajitowNeef geel ah oo ibajito naaska ka gashay noqosho.
ibalaroorGeed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor.
iballaroorld ibalaroor.
ibamar1Maridda hal irmaan afarta naas laga maro. ld ibamaryo.
1 2 3 4 5 6 > >>

 

Exit mobile version