waayo (2) Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”.
waayo (3) 1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay?
waayo-arag ld waaya-arag.
waayo-aragnimo Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
waayo-waayo Waayo kale geddisan oo la soo maray.
wab (1) Saabley; feero; uur; wadne.
wab (2) Wabar, ugaas.
wabar 1. Nin qolo ama tol madax u ah. 2. Mid quman, wanaagsan, suuban.
wabas Nin gaaban oo bar yar.
wabax (1) Biyo ka dhergidda (xoolo).
wabax (2) Xoolo biyo ka dhergid. ld wabaxso.
wabaxguul W. ah: xoolo wabax ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
wabaxsan Wax wabxay ahaansho (xoolo).
wabaxsanaan eeg wabaxsan. ld wabaxsanaansho.
wabaxsanaansho ld wabaxsanaan.
wabaxsasho eeg wabaxso. ld wabxib.
wabaxso Xoolo biyo badan siisasho.
wabaxtaraar Neefka biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.
wabxi Xoolo biyo ka dhergin.
wabxid eeg wabax². ld wabaxsasho.
wabxin eeg wabxi.
wac (1) Iftiin xoog leh oo si kedis ah dad u cawiro.
wac (2) 1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin.
wacaal Wax jira; war; xog. Tus. “War iyo w. midna uma hayo”.
wacaari Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.
wacad Ballan adag oo la galo.
wacadfur (1) Wacad la dhigtay oo la jabsho.
wacadfur (2) Ku w.: ballan adag oo la galay ka bixid.
wacadfurid eeg wacadfur². ld wacadfuryo.
wacadfuryo ld wacadfurid.
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>