Waayo

Qaabnaxa: m.l.w Isrogrogga:

1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.

Waayo

Qaabnaxa: Xiriiriye | Conjunction Isrogrogga: (nax.)

Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”.

Waayo

Qaabnaxa: e.we Isrogrogga:

1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay?

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga waayo

odayow | xaajayaqaan | jaahwareer | baadiggef | haalaati | kaalandar | maahmaah | olol | orgeysguur | qaarqaad |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg