Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: meereysan
yamyam 1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.
yaqfo Ilko.
yaqiin War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.
yaqiinsasho eeg yaqiinso. ld yaqiinsi.
yaqiinsi ld yaqiinsasho.
yaqiinso War iwm dhabnimadiisa hubsasho.
yaqyaqsasho eeg yaqyaqso. ld yaqyaqsi, yaqyaqsood.
yaqyaqsi ld yaqyaqsasho.
yaqyaqsii Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.
yaqyaqsiin eeg yaqyaqsii.
yaqyaqso Qof yaqyaqsi dareemid. ld yaqyaqsoo.
yaqyaqsoo ld yaqyaqso.
yaqyaqsood ld yaqyaqsasho.
yar (1) Wiil da' yar.
yar (2) Gabar da'yar.
yar (3) 1. Wax da'diisu yartahay ahaansho. 2. Wax tiradoo-da ama cabbirkoodu uusan badnayn ahaan-sho.
yaraan (1) Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys.
yaraan (2) eeg yar³. ld yaraansho.
yaraansho eeg yarow. ld yaraan².
yarad Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.
yarayn (1) eeg yaree. ld yarays, yaraysiin.
yarayn (2) (kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
yarays ld yarayn¹.
yaraysad ld yaraysasho.
yaraysasho eeg yarayso. ld yaraysad, yaraysi.
yaraysi ld yaraysasho.
yaraysii ld yaree.
yaraysiin ld yarayn¹.
yarayso 1. Qof fal sa-mayntiisa sahlasho. 2. Qof wax ku weyn wax yar ka dhigasho. 3. Qof, cid wax liita ka dhigasho.
yare Xoogaa, in yar. Tus. “Wuu yare daalanyahay”. ld yarehe.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>

 

Exit mobile version