cirib

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-rbo m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cagta dadka meesha ugu damabeysa oo adag ee u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta. 2. Ciribdambeed. ld cidhib¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ciribdambeed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cidhib

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-dhbo, m.l)

Macnaha:

  1. ld cirib.
  2. (c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur