dheg
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-go, m.l)
Macnaha:
- 1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.
- 1. Subag iwm xarkagid. 2. Cid iwm nabmid. 3. Ku dh.: wax gacanta xoog ugu qabasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

