fool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Weji. 2. Afarta ilig ee dhoollaha u dhexeeya midkood. 3. Jiko. 4. Toos; horay.
  2. Dareen xanuun leh oo dheddigga qabta marka ay umulayaan.
  3. (daaw.) Qabashooyin isku xig xiga oo dhallaan iyo mandheer uga soo baxaan ilma-sidaha naag xaamilad ah.
  4. 1. Ka f.: dhibaato iwm ka gudbid. 2. Ka f.: karti dheeraad ah cid kaga rayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

weji

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda ee u dhexeysa foodda ilaa iyo lafta garka, dhegta ilaa dhegta kale oo indhaha, sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah. ld waji.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jiko

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qolka cunnada lagu kariyo. 2. Dumarka ka tirsan gaboo-leyda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

toos

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (fk) T. u soco: qalqallooc iyo leexleexad la'aan u soco. 2. ld toosid.
  2. 1. Nafley hurdo ka kicid. 2. Wax aan qalqalooc lahayn noqosho. 3. Qalad, wanaag ku beddelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

horay

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. ld hore.
  2. 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur