abeer

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. 1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. Ciyaaraha kubbadda dhibcaha lagu tartamayo oo middood la helo.
  2. 1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra- dooda.
  3. 1. Libaax dheddig. 2. Neef dheddig oo buuran. 3. Neef dheddig oo rimay la'aan ku weynaaday.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ameer

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. ld abeer.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur