araasi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Orod iyo ci'uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. ld insaarax¹.
  2. Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci'sameynaya. ld insaarax².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

insaarax

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. U soo hiloobidda lo'da ay u soo hiloowdo dhashoodii; araasi. ld ansaarax¹, araasi¹.
  2. Dhal u soo hiloobid (lo'). ld ansaarax².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur