baane

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. ld baanise.

codkar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara.

khaniis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Baane; siiba midka carruurta faraxuumeeya.

baanise

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. ld baane.