baaqe

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cayddi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur