badxirQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounMacnaha:Xilliga baddu kacsantahay oo ayan dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. ld badxidhan.
badxidhanQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.