badxidhan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

badxir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xilliga baddu kacsantahay oo ayan dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. ld badxidhan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

badxiran

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld badxidhan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur