badyaro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Bad yar oo badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida; gacan.

gacan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ammo/-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Khoori.
  2. (xis.) Xarriiq toosan ee ka timaada xuddunta kuna dhammaata bar ku taalla meeriska goobada ama fogaanta ka bilaabata xuddunta kubbad, kuna dhammaata bar ku taal dusha kubbadda.
  3. 1. Xubinta faraha leh ee dadka wax ku qabsado. 2. Xubin dheer, madaxa maroodiga ka laallaadda oo uu wax ku qabsado kana neefsado. 3. Dhegta weelasha iwm.

Lamidka: Khoori