gacan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ammo/-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Khoori.
  2. (xis.) Xarriiq toosan ee ka timaada xuddunta kuna dhammaata bar ku taalla meeriska goobada ama fogaanta ka bilaabata xuddunta kubbad, kuna dhammaata bar ku taal dusha kubbadda.
  3. 1. Xubinta faraha leh ee dadka wax ku qabsado. 2. Xubin dheer, madaxa maroodiga ka laallaadda oo uu wax ku qabsado kana neefsado. 3. Dhegta weelasha iwm.

Lamidka: Khoori

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

khoori

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Gacan yar oo bad berriga soo gudaggala.
  2. 1. (juqr.) Dhul ballaaran oo biyaha baddu ama kuwa harooyinku ay soo galeen. 2. (juqr.) Liid dhuleed dhuuban oo isku xira laba dhul oo waaweyn, tusaale ahaan: labo dhul qaaradeed oo waaweyn, ama jasiirad-u-eke ku xira dhul-weynaha; tusaale caad waxaa noqon kara qooriga Panama iyo qooriga Suez.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur