barambarqo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Libaax dheddig; gool.

gool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. Ciyaaraha kubbadda dhibcaha lagu tartamayo oo middood la helo.
  2. 1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra- dooda.
  3. 1. Libaax dheddig. 2. Neef dheddig oo buuran. 3. Neef dheddig oo rimay la'aan ku weynaaday.