booc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.
  2. Geed caano leh caleemo balballaaran, laamo jiljilicsan iyo miro kuus kuusan oo buufsan leh.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hunguri

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-iyo, m.dh) Dhuunta afka, sanka iyo caloosha nafleyda isu haysa oo cuntadu marto. 2. ld hunguri-cad. 2. Cun-to.
  2. (c.nafl.) Qaybta dheefmareenka ee u dhaxayso dalqada iyo caloosha. Waa dhuun muruqaysan oo shaqadeedu tahay inay cuntada u gudbiso caloosha. Habka isku soo ururka ee ay cuntada u gudbisana waxa loo yaqaan dubaaxis. 2. ld hungiri-cad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cune

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nayaal, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur