ceeqo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Godob¹.

godob

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bo, m.l/dh)

Macnaha:

  1. Meel weyn oo godan oo dhinacyada ay ka xigaan duullayaal iyo taagag oo caws iyo geeda faalala ay ka baxaan oo jiilaalka la daaq.
  2. Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaa.