cimri-badheed
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-dyo, m.dh)
Macnaha:
- (kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

