cirkasoodhac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. ld cirsoodhac.

cirsoodhac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. (c.fal.) Cuf weyn oo dhadhaab ama macdan ah, kaas oo la mid ah shuhubka; cufkaas isaga oo weyn awgeed uguma burburo gibilka dhexdiisa boor ahaan, laakiin wuxuu soo gaaraa dhulka dushiisa. ld cirkasoodhac.