dabtuur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. ld dabrid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dabshid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dabrid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. ld debrid.
  2. eeg dabar².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur