daruurid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg daruur4.

daruur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
  2. Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
  3. (fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.
  4. Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.