daruur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- 1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
- Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
- (fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.
- Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

