dhaandabaggaale

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

wirwir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhalanteed. 2. Socodka la socdo wakhtiga qorraxdu aad u kulushahay. 3. ld wirwirid.
  2. Wakhti qorraxdu aad u kulushahay socosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur