Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective
Macnaha:
1. Hadal yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo maansada qaybo loogu kala qaybiyo. 2. Dad dadka hadalka u kala qaada ama dawlad u adeega oo warka u geeya; jaasuus. 3. Dad si joogto ah, laba meelood isaga safra.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-siin/-syo, m.dh)
Macnaha:
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.
Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. ld jaajuus².
Lamidka: basaas, jaajuus, warxungee
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur