jaasuus

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-siin/-syo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.
  2. Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. ld jaajuus².

Lamidka: basaas, jaajuus, warxungee

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

basaas

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-siin/-syo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qof, sir cidi leedahay raadiya, una gudbiya cid kale oo ay dan u tahay. 2. Qof, sir dawladeed raadiya, una gudbiya dawlad kale; sirdoon.
  2. Qallaylka, googgo'a iyo midab doorsoonka ku dhaca timaha marka aan muddo dufan la marin.
  3. 1. (f.g) Cid sirteeda, cid kale oo ay dan u tahay u gudbin. 2. (f.mg) Timo aan muddo dufan la marin qallayl, googgo'iyo midab doorsoon la kulmid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jaajuus

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld jaasuus¹.
  2. ld jaasuus².

Lamidka: jaasuus

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

warxungee

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Jaad ka mid ah jaadadka caarada oo waa weyn, sun aad u xun ayuuna leeyahay. 2. Diradiraale; basaas; gogle; jaajuus.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur