dibadbax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. Bambax.
  2. Dad wax ayidaaya ama wax diidaaya ama u dabbaal degaaya, soo bannaanbixid.

Lamidka: Bambax

bambax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Isugu imaanshaha ay dad badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid. ld bannaambax¹.
  2. Fagaaro isugu imaansho si ujeeddo loo fuliyo (dad badan). ld bannaambax².