durduur

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Rakaad. 2. Ladaab. 3. Biyo la siiyo neef hore u cabbay.
  2. Xoolo hore u cabbay biyo ay ku noq-noqdaan siin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

rakaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. ld rakaadid.
  2. 1. Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar. 2. Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah. 3. Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban.
  3. (fiis.) Summad f. Dhakhsaha celcelinta dhacdo hable. Tirada meertada ama wareegga hir ama walhasho ama gariir ee halkii seken ayaa lagu tibaaxaa heertiis (wareeg halkii seken). eeg Heertis.
  4. Xoolo biya cabbay mar kale ka dherjin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ladaab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. Legga xoolaha.
  2. 1. Waraabinta xoolaha maalin walba la waraabiyo. 2. L. ah: xoolo maalin walba biyo cabba.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur